10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2024
Madaxweyne Qoor Qoor "Itoobiya Dekad maheysato sidaa darteed Hobyo waxaa halkaas uga furan Ganacsi Fiican"
 

Isniin, October, 7, 2024 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa ka qeyb galay munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaaladda Muqdisho, taasoo lagu lagu saxiixayay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka qeyb galay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee maamulka Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in dhismaha Dekadda Hobyo uu yahay riyo ay ku taamayeen muddo dheer dadka reer Galmudug, wuxuuna sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

"Itoobiya Dekad Maheysato sidaa darteed Hobyo waxaa halkaas uga furan Ganacsi Fiican, dhibaatada jirtaa wey Xalismeysa waqti dhow, Dekada Hobyo waxay ka mid tahay Dekadaha ugu waa weyn dalka waxayna u adeegi doonta magaalooyin badan oo ka mid ah dalka, waan ku faraxsanahay mudo dheer kadib in riyooyinkeena rumoobaan" ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsatada iyo shirkadaha iney maal gadashadaan Dekada Hobyo oo uu xusay in maanta la saxiixayay heshiiskii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye "Qoor Qoor," ayaa maanta heshiis la saxiixday shirkadda Turkiga ee Metag Holding si ay u dhisto Dekadda Hobyo. Madaxweynaha ayaa sheegay in dekaddan ay beddeli karto xeebaha dhexe ee Soomaaliya, kana dhigi karto xarun muhiim ah oo ganacsi.

Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, xildhibaanno, iyo ganacsato waaweyn ayaa ka qeyb-gallay xafladda lagu saxiixay heshiiska oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Metag Holding oo la aasaasay sanadkii 1967, waa shirkad caan ka ah Turkiga oo khibrad dheer u leh horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Afrika. Shirkaddan ayaa ka shaqaysay mashaariic waaweyn oo ka dhacay Soomaaliya, Jabuuti, iyo Kenya, waxayna si gaar ah loogu tiriyaa khibraddeeda dhinaca dhismaha kaabayaasha badda sida dekedaha, xeebaha, iyo meelo kale oo la xiriira.

Metag waxay Soomaaliya ka fulisay mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha xeryaha milatariga, garoomada diyaaradaha, iyo nidaamyada biyaha, taasoo ka tarjumeysa waayo-aragnimadeeda ballaaran ee kaabayaasha muhiimka ah.