10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2024
Booliiska Baledweyne oo gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan afduub iyo dil loo geystay wiil 7 jir ahaa
 

Isniin, October, 7, 2024 (HOL) - Ciidanka Booliiska Baledweyne ayaa gacanta kusoo dhigay afar ruux oo ku eedeysan dil iyo afduub loo geystay wiil yar oo 7 sano jir ahaa.

Wiilka yar ee la afduubtay, kadibna la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mucaad Cadullaahi Faarax, kaasoo meydkiisa laga helay galinkii dambe ee Shalay Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne.

Meydka wiilka yar ayaa la helay isagoo qoorta iyo gacmahiisa ay ku xiran yihiin xargo la tilmaamay in wiilka yar inta aan wabiga lagu soo tuurin ka hor lagu dilay.

"Saldhiga Boliiska Beledweyne wuxuu Gacanta ku hayaa kiiska ilaa 4 Eedaysane oo ku eedaysan Dil iyo Afduunka loo geeystay Wiil yar oo saqiir ahaa oo lagu magacaabi jiray Mucaad Cadullaahi Faarax ina Xilkas Xanshi Xuseen 7 jir ah" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Baledweyne.

Qoraalka kasoo baxay Booliiska Baledweyne ayaa sidoo kale lagu sheegay in eedeysanayaasha lasoo qabtay ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhacdadaan ka argagaxay ayaa saacadahii lasoo dhaafay si weyn u hadal haayay dhacdadaan oo ugub ku ah magaalada Baledweyne.