10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2024
Puntland oo Axmed Madoobe ku ammaantay inuu isaga tagay shirkii Golaha Wadatashiga ee Muqdisho ka socday
 

Isniin, October, 7, 2024 (HOL) - Puntland ayaa soo dhoweysay in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, isagoo isaga baxay shirkii wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho, kaas oo ku dhamaaday natiijo la'aan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay, Puntland inay uga mahad celinayso madaxweyne Axmed Madoobe inuu diiday wuxuu ugu yeeray inuu qeyb ka ahaado talo xumada ay waddo dowladda Federaalka.

“Axmed Madoobe markuu labo maalmood soo horfariistay, waxaa lagu yiri annagaa muddo kordhin ku siinayna ee dastuurka Jubbaland iska tuur,” ayuu yiri wasiirka Warfaafintu.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay, dowladda Federaalka inay hindisaysay waddo aan dalka lagu gaarsiin karin doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu tilmaamay madaxweyne Xasan Sheikh in aanu awood u lahayn inuu qabto doorasho qof iyo cod ah.

“Xasan Sheikh wuxuu ku yiri dowlad goboleedyad anaa muddo kordhin idin siinaya. Xasan wuxuu tuuray dastuurkii isku hayay dalka, haddana wuxuu rabaa inuu tuuro dastuurkii ay lahaayeen dowlad goboleedyada,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, markii uu fashilmay shirkii wadatashiga Qaran ee u socday dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.