10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2024
Soomaaliya oo ku eedeysay Itoobiya in ay ka baxday howlihii loo igmaday ee nabad ilaalinta Soomaaliya
 

Isniin, October, 7, 2024 (HOL) - Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya in ay jabisay qodobbadii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ku gudubtay howlihii loo igmaday ee ahaa in ay xubin ka tahay ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Axmed Macalin Fiqi Axmed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa eedeymahaasi ka soo jeediyay shir ay todobaadkii hore Qaramada Midoobay ku yeesheen Magaalada New York.

Waxa uu ku eedeeyay Itoobiya in dowladdiisa ay dhawaan gacanta ku dhigtay hub sharci darro ah oo lagu soo raray xuduudka Itoobiya oo la doonayay in loo adeegsado hurinta colaadaha gudaha.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa u sheegay UNSC in Muqdisho ay ku howlan tahay la tashiyo ay la yeelaneyso AU iyo UN-ka oo salka ku haya qabanqaabada amniga ATMIS-ka kadib 2025-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aysan ku biiri doonin howlgalka Midowga Afrika ee soo socda, haddii aysan Itoobiya ka laaban heshiiskii ay la gashay Somaliland.