10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2024
Puntland oo boggaadisay mowqif uu Madaxweynaha Jubbaland ka qaatay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka
 

Axad, October, 6, 2024 (HOL) - Maamul goboleedka Puntland oo aanan qeyb ka aheyn shirka golaha wadatashiga Qaranka ee ka socda maalintii afaraad magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay go'aan uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ka qaatay shirka golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu boggaadinayo go'aanka uu madaxweynaha Jubbaland ku diiday in Puntland ay kasii maqnaato shirarka golaha wadatashiga Qaranka.

“Waan bogaadinayaa Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe mawqifka uu ka istaagay shirka Xamar sida uu u diiday maqnaanshaha Puntland iyo Khaatumo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa imaanaya, kadib markii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu dalbaday in shirka Wadatashiga Qaranka lagu soo biiriyo Puntland iyo Khaatumo, dalabkaas ayaana noqday mid saameyn xooggan ku yeeshay inuu soo gabagaboobo shirka Golaha Watashiga oo maalintii afaraad galay.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la sheegay inuu diidan yahay hanaanka doorashooyinka qof iyo cod oo uu sheegay ineysan suurta gal ahayn in haatan laga qabto Soomaaliya, iyadoo aan heshiiska laga soo qeyb galin Puntland iyo Khaatumo.