10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2024
Madaxweyne Erdogan: Dadka Soomaaliyeed gaajada iyo colaadaha way ka bixidoonaan markaan shidaalka usoo saarno
 

Axad, October, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay, in dadka Soomaaliyeed oo tobanaan sano lala xiriirinayay colaado, xasillooni darro iyo gaajo, ay gali doonaan horumar dhaqaale, barwaaqo iyo nabad ka dib marka uu Turkigu ku guulaysto inuu shidaal kasoo saaro xeebaha Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in markabka cilmi baarista ee Oruçreis, oo adeegyo muhiim ah u fidinaysay waddankiisa tan iyo 2017, uu hadda ka fulin doonta Soomaaliya hawlo shidaal baaris ah oo uu ka sameynayo 3 goobood, kuwaas oo mid kastaa uu bedkiisu yahay 5 kun oo kiiloomitir laba jibbaaran.

“Waxaan aaminsanahay in haddii Eebbe idmo aan war wanaagsan ka heli doonno hawlihii cilmi-baadhista ee aan ka wadnay xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri Erdogan.

Markabka sahminta (Seismic) ee Oruç Reis, oo kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, ayaa la filayaa inuu mari doono jidadka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas.

Markabkan ayaa kusoo xiran doona meel u dhow biyaha Soomaaliya dhammaadka bishan Oktoobar. Safarkiisu wuxuu qaadan doonaa qiyaastii 19 maalmood.