10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Itoobiya ineysan ka mid noqon doonin howlgalka cusub hadii aysan ka laaban heshiiska badda
 

Sabti, October, 5, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan uu bilaaban doono howlgalka cusub ee badalaya ATMIS.

Wuxuu sheegay Wasiir Jaamac in howgalka cusub ee loogu magac daray AUSSOM aysan ka mid noqon doonin ciidamada Itoobiya, hadii ay Itoobiya ka noqon weyso heshiiskii ay la gashay Somaliland.

“Howgalgalka cusub ee AUSSOM dhawaan ayuu bilaabanaya wuxuuna badali doona ATMIS, Itoobiya kama mid noqon doonto haddii aysan ka laaban heshiis beenaadka ay la gashay maamulka Somaliland” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo marba marka ka dambeysa ay sii kordheyso xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiis Itoobiya ay  la gashay Somaliland.

Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda guud ahaan gobolada dalka.