10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2024
Golaha Shacabka oo Maanta ansixiyay laba Hindise Sharciyeed oo muhiim ah
 

Sabti, October, 5, 2024 (HOL) - Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 30-aad, waxaana shir guddoominayay kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo uu wehlinaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka oo ku furmay 151 mudane ayaa ugu horeyn waxaa Golaha Shacabka Warbixin la xariirtay akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS) la wadaagay guddoomiyaha guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa intaas kadib cod u qaaday hindise sharciyeedyadan waxaana ogolaatay 151 Xildhibaan oo ah kooramka kulanka uu ku furmay, mana jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijadda codeynta.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka badda ee Golaha Shacabka ayaa uga mahad celiyay Golaha ansixinta labada hindise sharciyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in labada hindise sharciyeed loo gudbin doono Golaha Aqalka Sare, maadaama xeritaanka kalfadhiga 5-aad ay ka harsan tahay mudo bil ah, isagoona mudanayaasha Golaha uga mahadceliyay sida ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.