10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2024
Shiinaha oo ugu baaqay dhinacyada siyaasada Soomaaliya inay wadahadal ku xalliyaan khilaafaadkooda
 

Sabti, October, 5, 2024 (HOL) - Ergeyga Shiinaha ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaalida inay wada hadal ku xalliyaan  khilaafaadka dhexdooda ah, lana xoojiyo midnimada iyo wadajirka dalka.

Hadal uu ka jeediyay shirka Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya, ayuu ku-xigeenka ergayga joogtada ah ee Shiinaha u jooga Qarammada Midoobay, Dai Bing, ku sheegay in Soomaaliya horumarro muhiim ah ka samaysay dib-u-dhiska qaranka iyo nabadda iyo amniga.

Safiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ilaalisay xiriirka ay la leedahay dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, lana gaaray is-afgarad ku saabsan dastuurka, doorashooyinka, iyo xisbiyada siyaasadda, ayuu yiri safiirku,

“Waxaan ka fileynaa dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in ay sii wadaan dardargelinta, xoojinta wada hadalka iyo midnimada. oo ay ka go'an tahay in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal."

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu uu si joogta ah u taageersan yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku ilaalinayso midnimada qaranka, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed.

Waxa uu ka codsaday beesha caalamka in ay Soomaaliya ka taageeraan sidii loo sahmin lahaa dariiq horumarineed oo ku habboon, loona dammaanad qaadi lahaa in Soomaaliya ay fuusho dariiqa horumarka ee mustaqbalka.