10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2024
Ku dhawaad 30 xubnood oo Al-shabaab looga dilay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Sabti, October, 5, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 7-aad ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalada oo si gaar ah ciidanka uga fuliyeen deegaanada kala ah Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka iyo Bululoow waxay ku dileen 24 ka mid Al-shabaab oo la sheegay iney halkaasi ka wadeen abaabulka weeraro argagaxisinimo.

"In kabadan 24 dhagarqabe ayaa Khawaarijta halkaasi looga dilay iyo dhaawaca tiro kabadan 30 dhagarqabe, waxaana laga gubay Gaari caasi ah, iyaggoo ka cararay boorso ay ku jireen Daawooyin" ayuu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Taliye Axmed Cabdi Cali Axmed Gaashaan oo ka mid ahaa saraakiisha hoggaamineysay howlgalada ayaa sheegay in howlgalada noocaan oo kale ah ay sii wadayaan ciidanka xoogga dalka ilaa inta ay ka saarayaan Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyntii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa kordhiyay maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobllada dalka.