10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2024
SSC Khaatumo oo dalab xasaasi ah u gudbisay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka
 

Jimco, October, 4, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo ayaa fariin loogu diray madaxda golaha wadatashiga Qaranka ee shirka uga socdo magaalada Muqdisho.

SSC Khaatumo ayaa ka codsaday madaxda golaha wadatashiga Qaranka in metelaad ku yeelato shirarka Wadatashiga Qaranka ee lagu casuumo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

"Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran codsiga Maamulka SSC-Khaatumo ee ka qaybgalka Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka SSC Khaatumo.

Qoraalka kasoo baxay Khaatumo ayaa sidoo kale lagu sheegay in golaha uu go’aan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, islamarkaama Khaatumo ay tahay maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan iney metelaad ku yeeshaan go'aanada kasoo baxa madasha Wadatashiga Qaranka.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka SSC Khaatumo oo dhameystiran:-