10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2024
Somaliland oo Cambaaraysay Hadal ay Dowlada Soomaaliya kaga Hadashay Doorashooyinka Somaliland
 

Jimco, October, 4, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa cambaaraysay hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ku sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii ay doorashooyinka Somaliland ugu dhici lahaayeen si cadaalad ah oo hufan.

Qoraal kasoo baxay Wadaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in hadalka Wasiir Fiqi uu yahay mid xaqiiqda ka fog, isla markaana uu tusinayo isku day ay Soomaaliya ku doonayso in ay ku waxyeelayso dimuqraadiyada Somaliland.

"Dowlada Jamhuuriyada Somaliland waxay si xoogan u cambaaraynaysaa hadalkii uu maamulka Muqdisho dhawaan ka sheegay Qaramada Midoobay ee la xidhiidhay doorashooyinka soo socda ee Somaliland, waa hadal aan xaqiiq ahayn, oo ka turjumaya isku dayga maamulka aan sharciga ahayn ee Muqdisho ee waxyeelaynta xuquuqda dimuquraadiyadeed iyo madaxbannaanida shacabka Somaliland" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Somaliland waxay sheegtay in dowlada Soomaaliya ay maamusho wax yar oo dhulkeeda ka mid ah, oo uu qalalaase curyaamiyay, dhulka inta badana ay ka taliso kooxda Al Shabaab, isla markaana anay sharciyad u lahayn in ay ka hadasho arrimaha guddaha Somaliland.

"Dowlad ku sheegta Muqdisho waxay ku guuldaraysatay in ay qabato doorasho laysku halayn karo, daahfuran, isla markaana dadku ka wada qaybtaan. Waa wax lagu qoslo in maamulka sidaas ah ee aan tobannaan sanno qaban doorasho hal qof iyo hal cod ah, in uu ka hadlo nidaamka dimuquraadiyadeed ee Somaliland" ayay tidhi Wasaarada Arrimaha Dibaddu.

Somaliland waxay usoo jeedisay Soomaaliya in ay awooda saarto amaandarada ka jirta guddaheeda, halkii ay ka hadli lahayd arrimo ka baxsan, waxayna sheegtay in anay marnaba ogolaanayn in lasoo faragaliyo nidaamkeeda dimuquraadiyadeed.

Wasiirka Arriamaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa shalay ka sheegay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, in dowlada Soomaaliya ay ka go'antahay sidii doorashooyinka soo socda ee Somaliland u noqon lahaayeen qaar cadaalad ah.