10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2024
Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirweynaha dhijitaalka Dowladdaha Afrika
 

Jimco, October, 4, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin ayaa magaalada Lusaka ee Caasimadda dalka Zambia uga qeyb galay Shirweynaha dhijitaalka ee dowladaha Afrika ee sanadka 2024.

Shirweynahaan uu daahfuray Madaxweynaha dalkaasi Zambia Hakainde Hichilema ayaa ah mid dowladaha Afrika ay kaga wada hadlayaan sidii loo horumarin lahaa Teknoolajiyada dalalka Afrika.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyda Soomaaliya Maxamed Soomaali ayaa shirka ka sheegay in dowlada Soomaaliya horumar ka gaartay dhanica dhijitaalka, Isgaarsiinta iyo ICT-da oo muhiim u ah la jaanqaadista isbadalka dunida casriga ah.

"Soomaaliya waxay sameysay sharciyo muhiim u ah Horumarinta Teknoolajiyadda Casriga ah oo kala ah, Dhowrista Xogta, Dhismaha xarunta Xogta Qaranka, Sharciga Cybarka, Sharciga Denbiyada Cybarka, Istaraatijiyadda  E Government, Sharciga Macaamilka danabaysan ee –E- Transaction Law, siyaasada Horumarinta ICT – ICT Policy and  Strategy" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale shirka kusoo bandhigay in la daahfuray Mashruuca isku xirka Dhijitaalka ee Bariga Afrika oo uu tilmaamay in wax badan ka badali doono kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo isku xirka wadamada Bariga Afrika, isagoona xusay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Maalgashi Caalami ah oo la xariira dhanka dhijitaalka.