10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2024
Soomaaliya oo Mareykanka uga qeyb gashay shirka dalalka la isku yiraahdo QUINT
 

Jimco, October, 4, 2024 (HOL) - Magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxaa todobaadkaan ka dhacay shir looga hadlaayay arrimaha amaanka Soomaaliya, kaasoo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo kooxda la isku yirahdo QUINT oo Soomaaliya ka caawiya dhinaca amaanka.

Dowladaha ku midoobay in Soomaaliya ka caawiyaan dhinaca amaanka ee la isku yiraahdo QUINT ayaa kala ah Mareykanka, Britain, Turkey, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, waxaana xubnaha dowladda Soomaaliya shirkaas uga qeyb galay ka mid ahaa, Taliyaha nabad sugida soomaaliya, Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya iyo la taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaliya Xuseen Macalin Maxamud, kasoo sheegay in shirkaan uu ahaa kii 7-aad.

Xuseen Macalin Maxamuud ayaa tilmaamay in shirka uu ahaa mid diirada lagu saaray dib u habeynta ciidamada Qaranka Soomaaliya, qalabeyntooda iyo taageerada ay u baahan yihiin.

La taliyaha amniga Qaranka ee madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ajendaha shirka ay ku jirtay in Soomaaliya aysan ogoleyn marka uu dhamaado howlgalka ATMIS in ciidamada Itoobiya ka mid noqdaan howlgalka cusub.

“Shirka waxaan ka sheegnay in Soomaaliya aysan ogoleyn in howlgalka bedelaya ATMIS iney ciidamada Itoobiya ka mid noqdaan, dalalka naga taageera dhanka amaanka waa nagu garab istaageen doodeena, waxayna noo sheegeen inay tahay dood xaq ah, waxaana hoosta laga wada xariiqay in xoogga la saaro sidii looga adkaan lahaa kooxda Khawaarijta ah" ayuu yiri La taliyaha amniga qaranka maxaxweynaha Xuseen Macalin Maxamuud.

Dhinaca kale La taliyaha amniga Qaranka ayaa sheegay in xiriirka Masar iyo Soomaaliya uusan aheyn mid quseeya arrimaha ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoona sheegay in labada dal ay galeen heshiis difaac oo xaq ay u leeyihiin.

"Baqdinta ay Itoobiya ka muujisay taageerada Masar ee Soomaaliya waa boor isku qarin iyo riyo malawaal ah aysan Soomaaliya dheg jalaq u sii doonin" ayuu yiri La taliyaha amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud.