10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2024
Madaxweyne Biixi oo ka jawaabay silsilad suuggaaneedii ay Xidigaha Geesku ku dhaliileen xukunkiisa
 

Jimco, October, 4, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa sheegay in Xidigaha Geesku ay ku jees jeeseen askar xabsi u galay difaaca qaranimada Somaliland.

Biixi oo Jaamacada Hargaysa kula hadlayay arday baratay dastuurka, ayaa sheegay in cida askarta u heestay anay ilaalinayn qaranimada, isaga oo dadka ugu baaqay in ay ka foojignaadaan fariimaha ay faafinayaan.

"Ninka maanta nin dalka naftiisa u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa, maaha siyaasad, maaha tartan, qaranka lama taaban karo" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in waraaqaha codaynta laga arki doono cida ay shacabka Somaliland rabaan, isaga oo sheegay in ay haboontahay in musharixiinta lagu kala saaro halka ay ka taaganyihiin jiritaanka Somaliland.

Kooxda Hobolada Xidigaha Geeska oo taageeradooda iskugu geeyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa soo saaray heeso silsilad ah oo ay ku dhaliilayaan xukuumada uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi.

Kooxda ayaa si gaar ah madaxweynaha ugu dhaliishay jabkii ciidamada Somaliland kasoo gaadhay dagaalkii Laascaanood iyo dhulka ay Somaliland lumisay intii uu talada hayay.