10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2024
Xisbiga Himilo Qaran oo ka digay in muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka

Jimco, October, 4, 2024 (HOL) - Shir deg deg ahaa oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa shirkooda si gaar ah diirada ku saaray Shirka madaxda golaha Wadatashiga Qaranka uga socda Muqdisho, waxaana xisbiga uu ka digay in mudo kororsi loo sameeyo hay'adaha dowladda iyo kuwa maamulada dowlad goboleedyada dalka.

Waraaxafadeed ka kooban 7 qodob oo laga soo saaray Shirka Xisbiga Himilo Qaran ayaa dhaliilo xooggan loogu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka .

Xisbiga Himilo Qaran ayaa ka digay in madasha Wadatashiga Qaranka ay soo saaraan go’aano siyaasadeed oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee uu haatan ku jiro dalka, islamarkaana sii abuuri kara khilaaf siyaasadeed oo hor leh.

Qodobada Warsaxafadeedka Xisbiga Himilo Qaran kasoo baxay ayaa loogu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu iska daayo faragelinta aan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeerarka dalka ee uu ku haayo dowlad goboleedyada.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Xisbiga Himilo Qaran oo dhameystiran:-

1. Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka digayaa in madashu ay soo saarto go’aanno siyaasadeed oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee uu dalka hadda ku jiro, isla markaana abuuri kara khilaafaad siyaasadeed oo hor leh.

2. Xisbigu wuxuu adkeynayaa, una soo jeedinayaa GWQ in ay dhowraan una hoggaansamaan qodobka 120aad ee dastuurka dalka, kaas oo dowlad goboleedyada u ogolaanaya in ay doorashooyinkooda qabsadaan.

3. Xisbigu wuxuu Madaxweynaha JFS ugu baaqayaa in uu ka daayo faragelinta aan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeerarka dalka ee uu ku haayo dowlad goboleedyada.

4. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxda ku shirsan madaxtooyada Qaranka in ay ilaaliyaan wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

5. Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah.

6. Xisbigu wuxuu cadeynayaa in uusan aqbali doonin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha la doortay oo dhan heer walba.

7. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha JFS in uu wax ka qabto xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo dagaalada sokeeye ee ka ka socda meelo badan oo dalka ka mid ah, isla markaana uu ka shaqeeyo sidii loogu midoobi lahaa difaaca Qaranka.