Hiiraan Online
1/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2024
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgalo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab
Khamiis, October, 31, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ilaa 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab lagu dilay howlgalo ciidanka dowladda ka fuliyeen Koonfurta gobolka Mudug.
Ciidamada Kumaandooska Danab iyo Gorgor oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa fuliyay howlgalada lagu dilay xubnaha ka tirsanaa Al-shabaab.
"Hawlgalkaan Ilaa iyo 15 dhagar-qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay hawgalka oo dhacay abaaro salaaddii subax kadib ayaa dhamaan goobihii lagu beegsaday cadowga waxaa si buuxda ula wareegay Ciidanka Xoogga Dalka iyo naftood hurayaasha dadka deegaanka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta.
Howlgalkaan ka dhacay deegaanka Qeycad ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaano iyo degmooyin ka tirsan Mudug ay mudo dheer ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Tan iyo markii ay bilaawdeen howlgalada dalka looga xureynaayo kooxda Al-shabaab, waxaa ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kooxdu kala wareegeen dhul baaxad leh oo ku yaala gobolka Mudug oo kooxdu horay u maamuli jirtay mudo dheer.