1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2024
In ka badan 60 ruux oo ku dhintay daadad ku dhuftay gobol ku yaala dalka Spain
 

Arbaco, October, 30, 2024 (HOL) - Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka dalka Spain uga tacsiyadeeysay dadka uga geeriyooday daadad ku dhuftay qeybo ka mid ah dalkaas.

Daadadka ayaa ka dhacay gobolka Valencia oo ku yaala Waqooyiga dalkaas, waxaana la xaqiijiyay iney ku dhinteen in ka badan 63 ruux.

Fariinta tacsida ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku qorneyd luqada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay murugada la wadaageyso dowladda iyo shacabka dalka Spain ee waxyeelada kasoo gaartay daadadka ku dhuftay gobolka Valencia.

"Soomaaliya waxay la wadaagtay murugada iyo naxdinta dhacdadan musiibada leh, iyadoo garab taagan qoysaska iyo bulshooyinka ay musiibadu taabatay. Soomaaliya waxaa ka go'an in ay kobciso iskaashiga caalamiga ah si kor loogu qaado adkeysiga, soo kabashada gargaarka, iyo ixtiraamka xiriirka aadanaha ee nagu xira waqtiyada murugada iyo dhibaatada" ayaa lagu yiri qoraalka tacsida ee kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda.

Wasaaradda arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa sidoo kale fariinteeda ku sheegtay iney u rajeyneyso shacabka iyo dowladda Spain iney si deg deg ah uga soo kabsadaan musiibada ka dhacday gobolka Valencia ee dalkaasi Spain.