1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ballanqaaday inuu diyaar u yahay inuu la hadlo Puntland iyo Jubbaland
 

Arbaco, October, 30, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo xalay kulan la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo Puntland iyo Jubbaland,  oo khilaaf siyaasadeed uga maqan miiska wada xaajoodka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa yiri,"Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa, haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Maanta dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda".

Xasan Sheikh oo khudbad 25 daqiiqo   soconaysay u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo goobta ku sugnaa, ayaa geesta kale baarlamaanka usoo bandhigay codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka si uu ugala hadlo arrimaha hortabinta leh ee qaranka.

Madaxweynaha ayaa ammaanay hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedyada ee ka soo qayb-galay Madasha Wadatashiga Qaranka, oo looga arrinsanayo qorshaha dib-u-xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan Alshabaab, iyo xaqiijinta doorashooyin qof iyo cod ah.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa la filayaa inuu baarlamaanka ka codsado inay ansixiyaan Sharciga doorashooyinka, Sharciga ururada iyo xisbiyada Sharciga iyo Guddiga doorashadda, si uu billow ugu noqdo qorshihiisa doorasho qof iyo cod.