10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2024
James Swan: Soomaaliya waa inay heshaa sharciyo doorasho oo la fulin karo iyo guddi doorasho oo madax bannaan
 

Khamiis, October, 3, 2024 (HOL) - Ku-simaha Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la qaato sharciyo doorasho oo la fulin karo iyo in la dhiso guddi doorasho oo madaxbannaan.

James Swan ayaa sidoo kale ku celiyay sida ay uga go’an tahay Qaramada Midoobay in ay Soomaaliya ka taageerto sidii looga gudbi lahaa caqabadaha farsamo, saadka, iyo maaliyadda si loo xaqiijiyo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo lagu kalsoonaan karo.

Swan waxa uu walaac ka muujiyay xiisadaha ka taagan gobolka ee ka dhashay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee 1-dii January. Isagoo ammaanay dadaallada dhexdhexaadinta ee saaxiibbada caalamka, wuxuuna ku celceliyay go'aanka Golaha Ammaanka ee ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa ku boorriyay labada dhinac ee Itoobiya iyo Soomaaliya inay raadiyaan xal diblomaasiyadeed oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.

"Qaramada Midoobay waxay si buuxda uga go'an tahay inay taageerto arrimaha mudnaanta leh ee Soomaaliya," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Swan, isagoo sheegay inuu rajeyneynayo in Qaramada Midoobay ay si dhow ula shaqeyo dowladda Soomaaliya.