10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2024
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo ku guuleystay qaadista isbaarooyin yaalay inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Mataan
 

Khamiis, October, 3, 2024 (HOL) - Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa goordhaw u dhaqaaqay xal u helista cabasho xoogan oo kasoo yeereysay maalmahii lasoo dhaafay gaadiidleeyda gobolka Hiiraan, taasoo ku aadaneyd isbaarooyin tiro badan oo yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Baledweyne.

Ugaas Yuusuf oo uu wehlinaayo gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye iyo Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa u jiheystay wadada laamiga ah ee isku xirta Matabaan iyo Baledweyne, si ay u qaadaan dhamaan isbaarooyinka yaala halkaas.

Wararka haatan kusoo dhacaya warqabadka HOL ee magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in Ugaaska iyo xubnaha la socda ay ku guuleysteen iney qaadaan isbaarooyinkii yaalay inta u dhaxeysa Baladweyne ilaa deegaanka Ceelgaal, islamarkaana ay maanta wadadaas ka qaadi doonaan dhamaan isbaarooyinka yaala.

Talaabadaan uu qaaday maanta Ugaas Yuusuf ayaa ah mid timid, kadib mudo 20 maalmood oo ay ku xiyaran yihiin inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Matabaan in ka badan 200 oo baabuur oo sida raashiin kala duwan.

Isbaarooyinka yaala inta u dhaxeysa Matabaan iyo Baledweyne ayaa la sheegay iney yihiin 36 isbaaro, kuwaas oo u yaala maamulada Hirshabeelle, Hiiraan State iyo maleeshiyaad kale.

Isbaarooyinkaan xaddhaafka ah ayaa sababay in sicir barar xoogan uu ku yimaado qiimaha la kala iibsado maciishada qutul daruuriga ah gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana talaabada Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan si weyn u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee shacabka iyo gaadiidleyda gobolka.