10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2024
Ciidanka xoogga dalka oo howlgalo sifeyn ah ka wada xadka ay wadaagaan gobolada Baay iyo Gedo
 

Khamiis, October, 3, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada saacadahii lasoo dhaafay dhulka howdka ah ee ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Baay iyo Gedo.

Dhulka howdka ah ee howlgalada ka socdaan ayaa la sheegay in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku leeyihiin fariisimo ay kasoo abaabulaan weerarada ay ka geystaan qeybo ka mid ah goboladaas.

Taliyaha Ururka 46-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Xasan Aadan Maxamed, Xasan Taar ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalada ay ku burburiyeen goobo gabaad u ahaa  Al-shabaab.

"Ciidanka ayaa burburiyay goobo ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen dhulka howdka ah ee dhaca gobolada Baay iyo Gedo, halkaasi oo maleeshiyada nabadiidka ah ay shacabka ku dhibaateynayeen si dadka shacabka ah ee ku safra waddooyinkaas ay lacago baad ah ay uga qaadaan" ayuu yiri Taliye Xasan Aadan Maxamed, Xasan Taar.

Taliye Xasan Taar ayaa sido kale ayaa sheegay in howlgaladaan ay sii socon doonaan inta ay ka sifeynayaan xubnaha Al-shabaab ee ku sugan dhulka howdka ah ee dhaca xadka ay wadagaan gobolada Gedo iyo Baay oo ka kala tirsan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.