10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2024
Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo todobaadkan ku wajahan shidaal baarista Soomaaliya
 

Khamiis, October, 3, 2024 (HOL) - Markabka Turkiga ee Oruç Reis ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo Soomaaliya dhammaadka todobaadkan, sida uu sheegay wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah Alparslan Bayraktar.

Wasiirku waxa uu ku dhawaaqay hawl-galkan shir ka dhacay caasimadda Ankara 2-dii Oct.

Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa heshiis ay Turkiga iyo Soomaaliya kala saxiixdeen oo ku saabsanaa sahaminta karboonka saddex baloog oo loo qoondeeyay inay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya.

Sida ku cad heshiiska la soo gabagabeeyey bishii Luulyo, Turkiye waxay yeelan doontaa xuquuq gaar ah si ay u sahamiso oo ay u soo saarto hydrocarbons ee baloogyada, kuwaas oo mid kastaa uu ku fadhiyo qiyaastii 5,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Labo ka mid ah baloogyada ayaa ku yaal meel qiyaastii 50 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya, halka ta saddexaadna ay ku taal meel 100 kilomitir ah xeebta.

Oruç Reis wuxuu sameyn doonaa cilmi-baaris seismic socon doonta bilo, taas oo horseedi karta sahaminta, qodista iyo suurtagalnimada daahfurka, ayuu yiri wasiirku mar hore.

Bayraktar oo heshiiska ku tilmaamay mid “tallaabo taariikhi ah” u ah labada dal ayaa sheegay in markabka ay la socdaan 50-shaqaale ah iyo shan markab oo taageero ah oo ku wajahan Soomaaliya.