10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2024
AFRICOM: Ciidamada Itoobiya waxay fure u yihiin xasiloonida ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed
 

Arbaco, October, 2, 2024 (HOL) - Taliyaha Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, General Michael Langley, ayaa  sheegay ciidamada Itoobiya inay doorka muhiim ah ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay howlgalka nabad ilaalinta ATMIS, Langley wuxuu xusay wax-qabadka Itoobiya, gaar ahaan dowlad goboleedka Koonfur-galbeed, halkaasoo uu sheegay in ciidamada Itoobiya  joogitaankoodu uu fure u ahaa dadaallada xasilinta.

Si kastaba ha ahaatee, Langley ayaa walaac ka muujiyay mustaqbalka ciidamada Itoobiya ee joogitaankooda Soomaaliya iyadoo ATMIS ay u wareegayso qaab dhismeed cusub dhamaadka sanadkan, taasoo keentay su'aalo ku saabsan cidda noqon doonta dalalka ciidamada ku deeqaya.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la xalliyo khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, maaddaama xiisadahaasi ay saameyn ku yeelan karto amniga gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka bixidoonaan haddii aysan Itoobiya ka laaban heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay la gashay Somaliland.

In ka badan 4000 askari ayaa haatan Itoobiya ka joogaa Soomaaliya, kuwaas oo badi ka howlgalla dowlad goboleedyada Jubbaland, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.