10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2024
Maraykanka oo sheegay in Daacishta ku sugan waqooyiga Soomaaliya ay tiradooda ay laba jibaarantay
 

Arbaco, October, 2, 2024 (HOL) - Kooxda Daacish ee ka dagaalanta waqooyiga Soomaaliya (Puntland) ayaa ku dhawaad laba jibaarmay baaxaddooda, sida uu VOA u sheegay Gen. Michael Langley, madaxa taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Gen. Langley wuxuu sheegay in ay ka walaacsan yihiin kororka joogitaanka Daacish, gaar ahaan Waqooyiga Soomaaliya, isagoo tilmaamay in kooxda ay korodhay qiyaastii laba laab marka loo eego  sanadkii hore.

Inkasta oo uusan bixin qiyaasta rasmiga ah ee tirada dagaalamayaasha Daacish, balse waxaa horey loogu sheegay in Puntland ay ku sugan yihiin ilaa 200 oo dagaalyahan.

Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale ka digay suurtagalnimada in Daacish ay kordhiso joogitaanka dagaalyahanada shisheeye ee Soomaaliya.

Mar la weydiiyay in Cabqaadir Muumin uu hadda yahay hoggaamiyaha caalamiga ah ee IS, Langley wuxuu caddeeyay in Mareykanku uu u qaadan karo warbixinnadaas kuwo lagu kalsoonaan karo.