10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2024
Wasiir Fiqi: Itoobiya markii ay Xamar qabsatay 2007 ayay safaraaddeeda dajisay madaxtooyada, lagamana saari karo xilligan
 

Khamiis, October, 17, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan raali ka ahayn, in safaaradda Itoobiya ay ku dhextaalo gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa dhinaca kale sheegay, in dowladda Soomaaliya aysan haatan aysan ku degi degayn in Itoobiya lagu amro inay ka guuraan madaxtooyada, wuxuuna sheegay inuu go’aankaan saamayn ku yeelan karo safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya oo uu sheegay inay kutaala meel muhiim ah.

“Itoobiya markii ay magaalada qabsadeen 2007 ayay degeen madaxtooyada dalka, waxaana raali uga ahaa madaxdii xilligaas joogtay. Ka bixistooda waxay haatan ku xiran tahay marka xaaladda dalku degto in safaaradaha oo dhan loo sheego inay guuraan meelo dowladdu u cayimtay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Fiqi wuxuu sheegay dowladdu in ay miiska u saaran yihiin go’aamo Nuglear options, kuwaas oo uu tilmaaamy inay kow ka yihiin in ciidamada Itoobiya laga saaro dalka, kowda bisha Janaury, haddii ay joojin waayaan heshiiska ay kula jiraan Somaliland.

Wuxuu sheegay, Soomaaliya inay badsanayso xulafadeeda si ay garab uga hesho haddii Itoobiya ku adkaysato inay ka dhego adaygto joojinta xad gudubyada ka dhanka ah madax bannaanida dalka.