10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2024
UK oo ballan qaaday £7.5 milyan si loo xoojiyo amniga Soomaaliya ka hor bixitaanka ATMIS
 

Arbaco, October, 16, 2024 (HOL) - Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday 7.5 milyan oo gini oo dheeraad ah oo lagu taageerayo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), taasoo ka dhigaysa wadarta guud £77 milyan oo ay ku taageertay ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya tan iyo 2021-kii.

Kaalmada UK waxa ay siin doontaa gunnooyin ciidamada ka socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, iyo Uganda, kuwaas oo laf dhabar u ah hawlgalka ATMIS.

Safiirka Britain ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa sheegay in ay UK ka go’an tahay horumarinta amniga Soomaaliya. Nithavrianakis ayaa sidoo kale ku baaqay taageero dheeri ah oo caalami ah, isaga oo ku booriyay bahwadaagta in ay gacan ka geystaan dadaallada amniga ee Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa bogaadiyay deeqda UK, isagoo yiri “Maalgelintan waa mid muhiim u ah taageeridda dadaallada ATMIS iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, waxaan si qoto dheer uga mahadcelineynaa iskaashiga joogtada ah ee UK, anagoo ka shaqeyneyno dib u dhiska Soomaaliya oo ammaan ah.

ATMIS ayaa lagu wadaa in la soo gebagebeeyo bisha December 2024-ka, taasoo qeyb ka ah qorshahaheeda ka bixitaanka Soomaaliya, iyadoo ay masuuliyadda la wareegayaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyo ciidamada deegaanka. Kala-guurkaani ayaa wuxuu ku dhamaan doonaa marka la bilaabo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) bisha Janaayo 2025.