10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2024
Wasiirka Dekedaha ee dalka Masar iyo maalgashadayaal kusoo wajahan Soomaaliya
 

Arbaco, October, 16, 2024 (HOL) - Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Maxmuud Cabdiraxman Faarax Beenebe, ayaa maanta shaaciyay in dalka ay kusoo wajahan yihiin Wasiirka Dekedaha dalka Masar, Kamel El Wazir, iyo ganacsato ka socda dalkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeeddada safarkooda ay tahay in ay ka hirgeliyaan mashaariic waaweyn Soomaaliya, iyagoo qorsheynaya inay maalgashiyo ku sameeyaan dekedaha dalka.

Wasiir Beene Beene ayaa muujiyay in Soomaaliya ay xisoo u qabto maalgashadayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, taasoo uu sheegay in loo aqoonsan yahay fursad muhiim ah.

Wuxuu sidoo kale caddeeyay in booqashada wafdiga Masar ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu sahaminayo fursadaha maalgashi ee dalka, isla markaana ay ka dhigan tahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Warkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo Masar lagusoo waramayo inay dhiseyso howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin bisha December 31-da oo ku beegan marka ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya.

Qaahira ayaa sidoo kale tababaro siineyso ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Alshabaab, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wargeyska The National.