10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2024
Aabe iyo Wiilkiisa oo afar sano jir ahaa oo lagu dilay duuleedka magaalada Dhuusamareeb
 

Arbaco, October, 16, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in duuleedka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug lagu dilay Aabe iyo Wiil yar oo uu dhalay.

Aabaha la dilay isaga iyo wiilkiisa yar oo 4 sano jir ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cabdi Shire, waxaana dilka isaga iyo wiilkiisa la xariiriyay inuu yahay mid salka ku haaya aargoosi aano qabiil ah.

Dilkaan argagaxa leh ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaadle oo qiyaas ahaan dhanka bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ilaa 40 KM, waxaana lasoo wariyay in dableydii dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya deegaanka Beerxaadle ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan xiisad colaadeed oo ka dhalatay dilka naxdinta leh ee loo geystay Aabaha xoolo dhaqatada ahaa iyo Wiilkiisa yaraa.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug waxaa mararka qaar ka dhaca dilalka naxdinta badan ee loo geysto dadka shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana sidoo kale goboladaasi meelo ka mid ah haatan ka jira dagaal beeleedyo khasaarooyin kala duwan geystay.