10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2024
Masar oo Soomaaliya ka dhisaysa howlgalkeeda military ka hor bixitaanka ciidamada Itoobiya
 

Arbaco, October, 16, 2024 (HOL) - Masar ayaa lagusoo waramayaa inay dhiseyso howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin bisha December 31-da oo ku beegan in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya.

Qaahira ayaa sidoo kale tababaro siineyso ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Alshabaab, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wargeyska The National.

Masar iyo Soomaaliya oo xubno ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigeedu yahay magaalada Qaahira, ayaa bishii August kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milateriga ah.

Kumanaan ka tirsan shaqaalaha Masaarida ayaa la filayaa in ay ku lug yeeshaan howlgalka milatari ee dhamaadka sanadka, sida ay sheegayaan ilo-wareedyada.

Masar iyo Soomaaliya labaduba waxay is hayaan Itoobiya. Qaahira ayaa ka cabatay in biyo xireenka Nile ee ay Addis Ababa dhiseyso uu hoos u dhigi doono saamiga muhiimka ah ee Masar ay ku leedahay biyaha wabiga.

Soomaaliya waxa ay sheegtay in Ethiopia ay qaranimadeeda kusoo xadgudubtay, kaddib  markii ay heshiis la gashay Somaliland si ay Addis Ababa deked iyo saldhig militari uga hesho badda cas.

Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya dhamaadka sanadkan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay.

Qaar ka mid ah ciidamada Soomaalida oo ay taageerayaan la-taliyayaal Masaari ah, ayaa ilo-wareedyadu sheegeen, in mar hore loo diray waddooyinka ay saadka u maraan ciidamada Itoobiya, si ay uga hortagaan, haddii loo baahdo, isku day kasta oo Addis Ababa ay ku doonayso inay ciidamo dheeraad ah ugu soo dirto Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin wakhtiga bixitaankooda.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Itoobiya ay kordhisay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo lagu qiyaasay in ka badan 4,000 oo askari, kadib markii ay Masar ay bilowday inay hub iyo ciidan u soo dirto Soomaaliya.