10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2024
Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Ganaaxay Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani
 

Arbaco, October, 16, 2024 (HOL) - Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ku ganaaxay midkiiba 10 milyan oo Shillinka Somaliland ah, kadib ollole ay sameeyeen kahor bilowga ollolaha rasmiga ah ee doorashooyinka.

Guddida Anshaxa ee Koomiishanka oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xisbiyadani ay ku xadgudbeen xeerka anshaxa kadib ollolayaal hordhac ah oo ay ka sameeyeen gobolada qaarkood.

"Waxaanu ku ganaaxnay labada xisbi ee kala ah Waddani iyo Kulmiye min 10 milyan oo shilinka Somaliland ah, waxa kale oo aanu ka joojinay socdaalada ollolaha u eg ee ay ku jiraan labada xisbi, hadii ay taa yeeli waayaana waxa aanu ka joojin doonaa maalmaha ay xaqa u leeyihiin ee ollolaha doorashooyinka" Guddoomiyaha Guddida Anshaxa ayaa sida yidhi.

Sidookale, guddidu waxa ay mamnuucday in gaadiidka xukuumada loo isticmaalo ollolaha doorashooyinka. Kadib amarkan, Musharax Cabdiraxmaan Cirro ayaa hakiyay socdaal cod doon ah oo uu ku marayay deegaanada galbeedka Somaliland.

Cirro ayaa joojiyay safar uu berri ku mari lahaa degmooyinka Sabowanaag, Caddaadley, Balli-Maataan, Qoton-dabo iyo Balli-Kaliil kadib amarka koomiishanka "Safarka waxa aan u baajinnay annaga oo u hoggaansamaynna amarka caawa ka soo baxay Guddida Anshaxa ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland" ayuu yidhi Cirro.

Olloha doorashooyinka isasaaran ee madaxtooyada iyo axsaabta ayaa si rasmi ah u bilaabmi doona 19 October, waxaana la soo gabagabayn doonaa 10 November, oo ah 2 cisho kahor maalinta codaynta. Ururada cusub oo ah 7 ayaa midkiiba 2 cisbo banaanbixidoonaa, halka saddexdii xisbi ee hore midkiiba 3 cisho la siiyay.

Doorashadan ayaa jaangoyndoonta cida noqonaysa madaxweynaha Somaliland ee 5-ta sanno ee soo socda iyo saddexda xisbi ee hoggaamin doona masraxa siyaasada 10-ka sanno ee soo socda.