10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2024
Jubbaland oo beenisay inay Shabaabku la wareegeen tuulada Buulo Xaaji
 

Isniin, October, 14, 2024 (HOL) - Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day ay kooxda Alshabaab ku doonayeen in ku qabsaadaan tuulada Buulo Xaaji oo Kismaayo hoos timaada, halkaas oo bilo ka hor ay ciidamada Jubbaland ka xoreeyeen Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Jubbaland, Gaashaanke Sare Maxamed Faarax Daahir, ayaa sheegay in kooxda Shabaab ay dagaal xooggan kusoo qaadday farriisimaha ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin afafka hore ee tuulada Buulo Xaaji. Wuxuu sheegay in dagaalkaas lagu jebiyay Alshabaab, loona geystay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Afhayeenka ciidanka Jubbaland wuxuu beeniyay warar ay Shabaabku faafiyeen oo ku saabsanaa in ay la wareegeen gacan ku haynta Buulo Xaaji, isagoo sheegay in aysan kasoo gudbin difaacyada ciidamada ay ku leeyihiin duleedka tuulada.

Wuxuu sheegay ciidamada Jubbaland inay ka geeriyoodeen labo askari, labo kalena ay dhaawac yihiin. Wuxuu sheegay inuu ciidankooda weli ku sugan yahay meelihii ay ku sugnaayeen markii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab ayaa sheegay maalintii shalay inay la wareegeen gacanta ku haynta Buulo Xaaji, iyagoo sheegay inay halkaas ku dileen lix askari oo ah ciidamada Jubbaland.