10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2024
Xiisad colaadeed oo ka taagan degmada Badhan ee gobolka Sanaag
 

Isniin, October, 14, 2024 (HOL) - Iska hor imaad kooban ayaa saakay ka dhacay degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo ciidamada Puntland iyo maamulka Maakhir State ay ku isku horfadhiyeen illaa shalay.

Iska hor imaadkan ayaa ka dhashay markii ciidamo ka tirsan Puntland ay isku dayeen inay joojiyaan siyaasiyiin katirsan Maakhir State oo doonayay inay Badhan gaaraan, iyagoo maalmahan socdaal ku marayay degaano katirsan gobolka Sanaag.

Wararka ayaa sheegay in aan wax khasaare ah oo muuqda ka dhicin dagaalka, laakiin ciidamada labada dhinac ayaa weli isku horfadhiya duleedka Badhan. Tani ayaa muujinaysa in xiisadda ay sii kordheyso, inkastoo aan weli la xaqiijin xaaladda guud ee deegaanka.

Xildhibaan hore, Cabdiraxmaan Dhoore, oo ah hoggaamiyaha Maakhir State, ayaa dhowr maalmood ka hor sheegay in aan laga hor istaagi karin degaanada Sanaag.

Dhoore ayaa caddeeyay inay haystaan ciidan xoog leh oo ay ku difaacaan qaddiyada maamulka Maakhir, isagoo sidoo kale muujiyay in ay ka go'an tahay inay xoojiyan jiritaanka maamulkooda.

Cabdiraxmaan Dhoore, ayaa kamid ahaa xildhibaanadii laga saaray baarlamaanka Puntland sanadkii 2020, kaddib markii lagu eedeeyay inay ku kaceen fowdo ka dhacday gudaha baarlamaanka.

Eedeymo loo soo jeediyay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Puntland ay ka dambeysay abaabulka looga saaray baarlamaanka. Dhoore ayaa dhawaan loo doortay hoggaamiyaha maamulka Maakhir State, kaddib shir ay siyaasiyiin kasoo jeeda Sanaag ku yeesheen magaalada Muqdisho.