10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2024
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay hanjabaad Itoobiya Ka soo yeertay
 

Axad, October, 13, 2024 (HOL) - Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay hanjabaadda Itoobiya ee ku aaddan muranka dublamaasiyadeed ee ka dhashay heshiiskii Addis Ababa iyo maamulka Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan cabsi gelin doonin hanjabaadaha Itoobiya, uuna diyaar u yahay dalku inuu ka jawaabo  tallaabo kaste oo ka dhan ah ciidankeeda ama shacabkeeda.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay goob fagaare ah ayaa yiri “Waxaan rabnaa in Soomaaliya iyo Itoobiya ay nabad iyo derisnimo ku wada noolaadaan, si kastaba ha ahaatee, haddii maamulka taagta daran ee Abiy iyo Jula aysan qaadan karin nabadda, dadka hurinaya colaadda ha arkaan cidda ay u daran tahay.

Hadalka wasiirka ayaa jawaab toos ah u ahaa taliyaha Ciidamada Difaaca  Itoobiya (ENDF) Field Marshal Berhanu Jula, oo horay u sheegay in Soomaaliya aysan awood u lahayn in ay qaado tallaabo kasta oo Milatari oo ka dhan ah Itoobiya.

“Xasan Sheekh ma awoodo inuu dagaal galo, waa inuu marka hore sugo ammaanka Muqdisho, ka hor inta uusan ka fikirin inuu na horyimaado” ayuu Jula ku yiri wareysi uu dhawaan bixiyay.

"Waa inuu marka hore xaqiijiyaa kursigiisa," ayuu Jula ku daray, isagoo ka dhawaajiyay in hoggaanka Soomaaliya uu yahay mid aan xasilloonayn oo aan diyaar u ahayn colaad.

"Haddii uu jiro qof kaalmo ka helaya ciidamada ajnabiga ah ee isku dayaya in uu faraha la galo arrimaheenna gudaha isagoo taageeraya mucaaradka oo noo diraya dagaal sokeeye, waa khaa'inul waddan," Jula ayaa yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay saaxiibo ku leedahay gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo ka hortagi doona faragelintaas.