10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2024
Taiwan oo Malaayiin dollar ku Bixinaysa Horumarka Diqmuquraadiyada iyo Caafimaadka Somaliland
 

Sabti, October, 12, 2024 (HOL) - Taiwan ayaa ku dhawaaqday in ay 22 milyan oo dollar ku maalgalinayso dib u dhis lagu samaynayo Isbitaalka Guud ee Hargaysa, sidookale 2 milyan ayay ku taageertay doorashooyinka soo socda ee Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Wakiilka Taiwan, ayaa si rasmi ah maanta u kala saxeexday heshiis dib loogu casriyaynayo Isbitaalka Guud ee Hargaysa, oo ku kacaya 22 milyan oo dollar, talaabadan ayaa qayb ka mashruuc lagu horumarinayo caafimaadka Somaliland oo ay Taiwan maalgalinayso.

Taiwan ayaa sidookale dhawaan ku dhawaaqday in ay 2 milyan oo dollar ku taageerayso qabsoomida doorashooyinka isasaaran ee Somaliland.

"Dimuquraadiyadu waa luuqad aanu wadaagno, xoriyaduna waa ujeedo na midaysa, xoriyada iyo dimuquraadiyadu waa qiyamka aas aasiga ah ee Somaliland iyo Taiwan ku xidhaya caalamka" ayaa lagu qoraal lagu baahiyay bogga Xafiis Wakiileedka Taiwan ee Hargaysa.

Taiwan iyo Somaliland oo ah jamhuuriyado aan haysan aqoonsi caalami ah, ayaa xidhiidh yeeshay sannadkii 2020, intaa wixii ka danbeeyay Taiwan ayaa Somaliland ka caawisay mashaariic dhawr ah oo ay ugu muhiimsanyihiin macdan qodista, horumarinta caafimaadka iyo doorashooyinka.

Inkasta oo ay Somaliland iyo Taiwan waddaagaan u jeedooyin badan oo aqoonsi raadintu ugu horayso, hadana Waddamada Shiinaha iyo Soomaaliya, ayaa xidhiidhkooda u arka mid xadgudub ku ah madaxbannaanidooda, madaama oo dalalkani ay aaminsanyihiin in Taiwan iyo Somaliland ay yihiin dhulal ka tirsan dalalkooda.