10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2024
Kenya Airways oo joojisay duulimyaadii ay ku tagi jiray magaalada Muqdisho
 

Khamiis, October, 10, 2024 (HOL) - Kenya Airways ayaa joojisay  duulimaadyada rakaabka ee Muqdisho laga bilaabo 14-ka Oktoobar 2024, sababo la xiriira caqabado hawleed.

Warkaan waxaa shaaciyay Maareeyaha Guud ee Kenya Airways iyo Madaxa Fulinta, Allan Kilavuka, isagoo warqad u qoray Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Waddooyinka iyo Gaadiidka Kenya, Maxamed Daghar, 9-ka Oktoobar 2024.

"Sababo la xiriira caqabado hawleed, guddiga iyo maamulka Kenya Airways waxay go’aansadeen inay joojiyaan duulimaadyada rakaabka ee Muqdisho, taasoo dhaqan galaysa 14-ka Oktoobar 2024," ayuu Kilavuka ku yiri warqadda.

Go’aankan wuxuu yimid kadib markii shirkaddu falanqeysay xaaladda ganacsi ee hadda jirta. Kilavuka wuxuu caddeeyay in go’aanka lagu gaaray danta shirkadda, isagoo tixgelinaya caqabadaha ay ku wajahantahay xaaladda hadda jirta.

"Kenya Airways waxay codsaneysaa in la fahmo isbeddelkan aan la filan karin ee laga yaabo inuu dib u celiyo horumarka wanaagsan ee ilaa hadda la gaaray," ayuu raaciyay Kilavuka.

Shirkadda diyaaradaha Kenya ayaa  la kulantay tartan xoog leh oo kaga imaanayay shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin Freedom Airline Express iyo Premier Airlines. Shirkadahan ayaa bixiya xulashooyin dheeraad ah sida tikidhada hal-jiho iyo ganaaxa loogu talagalay rakaabka aan imaan duulimaadka.

Shirkadahaan Soomaalida ah, kuwaas oo maamula qaar ka mid ah 25-ka duulimaad ee todobaadlaha ah ee jidkan, waxay caan ku noqdeen inay si gaar ah ula qabsadaan rabitaanka rakaabka Soomaaliyeed.

Rakaab badan ayaa ka fogaaday Kenya Airways sababo la xiriira siyaasadahooda, sida ku qasbidda dadka haysta baasaboorka Soomaaliya inay iibsadaan tikidhada labada-jiho, taas oo ka duwan dabacsanaanta shirkadaha Soomaalida.

La’aanta dabacsanaantaan ayaa ka dhigtay shirkadda Kenya Airways mid aan tartan ku galin jidka Nairobi-Muqdisho, iyadoo shirkadaha Soomaalida leh ay kasbadeen taageerada sii kordhaya ee rakaabka.

Ilo sare oo ka tirsan Maamulka Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyiintu horey u sii arkeen caqabadahaan. Intii ay socdeen wadahadallada, mas’uuliyiinta Soomaaliyeed waxay sharaxeen baahida loo qabo in Kenya Airways ay si fiican ula qabsato hab dhaqanka safarka ee rakaabka Soomaaliyeed.

In kasta oo mas’uuliyiinta Kenya ay ballanqaadeen inay gaarsiin doonaan walaacyadaan mas’uuliyiinta Kenya Airways ee Nairobi, ilaha ayaa tilmaamay in isbeddellada siyaasadeed ee suurtagalka ah ay u baahan yihiin ansixinta guddiga shirkadda diyaaradaha.