10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2024
NISA oo gacanta kusoo dhigtay Shabakad Shabaab ah oo weeraro ka fulin rabay Muqdisho
 

Talaado, October, 1, 2024 (HOL) - Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho kusoo qabtay Shabakad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalada lagu soo qabtay ilaa 5 xubnood iyo sidoo kale hub iyo qaraxyo ay doonayeen iney ku dhibaateeyaan dadka ku nool Muqdisho.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabkad ka kooban Shan xubnood, kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro inay ka gaystaan magaalada Muqdisho, Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakadaan ayaa ku guulaystay inuu mid mid u soo qabto, waxaana sidoo kale shabakadaan lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo Khawaarijtu ay u qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay NISA.

NISA ayaa sido kale sheegtay in ciidamadeeda ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir ee lagu xaqiijinayo amniga guud ee Caasimadda.

Howlgalkaan lagu soo qabtay Shabakadaan ka tirsan Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay kordheen howlgalada ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho.