10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2024
Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya oo maanta la wareegay galka hoggaaminta iyo shaqada ciidanka
 

Talaado, October, 1, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Labada masuul ayaa halkaas waxaa kusoo dhaweeyay Taliyahii xilkaan laga qaaday Sarreeye Gaas Sulub axmed Firin oo hada ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka iyo Taliyaha cusub ayaa u kuurgalay hanaanka shaqo ee hogaannada iyo fadhiyada madaxa banaan ee ciidanka Booliiska, waxaana u kuur galida kadib uu Wasiirku halkaas ugu kala wareejiyey galka guud iyo hogaaminta shaqada ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey Xafiiska Taliska cusub Sarreeyo guuto Asad Cismaan Cabdulaahi Diyaano.

Intaas kadib taliyaha Asad Diyaano ayaa faray saraakiisha Booliiska Soomaaliya iney dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida, sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay meel mariyeen magacaabista Sarreeyo guuto Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Taliyahii hore  Sulub Axmed Firin.