10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2024
Kenya oo ku boorisay Qaramada Midoobay inay sii wadaan taageeradooda Soomaaliya
 

Talaado, October, 1, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Willian Ruto ayaa ku booriyay Qaramada Midoobay (QM) in ay sii wadayaan taageerada ay Soomaaliya siinayaan si loo helo heshiis ku saabsan taageerada amniga ee Soomaaliya ee sanadka 2024-ka.

Willian Ruto ayaa sheegay in ay sii wadaan inay Soomaaliya ka taageerto dagaalka lagula jiro Alshabaab si kor loogu qaado amniga gobolka.

“Taageeradeenna waxay horseedday in ay nabad iyo xasillooni ka dhalato Soomaaliya, oo dhawaan qaadan doonta kursi xubin aan joogto ahayn oo golaha ammaanka ah. Horumarka wanaagsani wuxuu hoosta ka xariiqay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray adkeynta nabadda iyo xasilloonida dalkaas iyo gobolkaba,” ayuu yiri Willian Ruto.

Waxa uu qiray doorka Kenya ee nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha Kenya, isagoo ka sheegay hadalkaan mar uu ka hadlayay shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa horey u sheegtay inay ciidamadeeda sii joogayaan Soomaaliya, illaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya, kaasoo lagu beddelayo howlgalka ATMIS.