10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2024
Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $68.5 si kor loogu qaado Kobaca Dhaqaalaha


Talaado, October, 1, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa Mareykanka la saxiixatay heshiis ku kacaya 68.5 Milyan oo Doollar, kaasoo  lagu xoojinayo horumarka dhaqan-dhaqaale ee muddada fog.

Heshiiskan ayaa waxaa Muqdisho u saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene-Beene), Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya, Ms. Catie Lott.

Heshiiska ayaa diiradda saaraya kobcinta kobaca dhaqaalaha, dib u habeynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood siinta haweenka iyo dhalinyarada, iyadoo la waafajinayo aragtida Soomaaliya ee adkeysiga iyo joogtaynta.

Maalgelinta ayaa balaadhin doonta dardargelinta barnaamijyada Waxbarashada aasaasiga ah si ay uga faa'iidaystaanin ka badan 150,000 oo carruur ah, dayactirka in ka badan 200 oo fasal oo ay wax ku bartaan 10,000 arday ah, horumarinta maamulka, iyo abuurista fursado dhaqaale haweenka iyo dhalinyarada.

"Heshiiska deeqdani waxa uu ka tarjumayaa iskaashiga Maraykanka iyo Soomaaliya: dhisidda adkeysiga, xasilloonida, iyo awood-siinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka," ayay tiri agaasimaha howlgalka USIAD, Ms. Catie Lott.