10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2024
Soomaaliya oo Mareykanka uga qeyb gashay shir Caalami ah oo looga hadlayay la dagaalanka Daacish
 

Talaado, October, 1, 2024 (HOL) - Shirkaan oo ay isugu yimaadeen Wasiiro ka kala socday ilaa 87 dal oo horay ugu midoobay la dagaalanka kooxda Daacish ayaa ka dhacay magaalada Washington ee Caasimadda dalka Mareykanka.

Xoghayaha arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka Antony Blinken ayaa guddoomiyay shirka isbahaysiga Caalamiga ah ee la dagaalanka kooxda ISIS, kaasoo diiradda lagu saaray sidii looga hortagi lahaa khatarta iyo dhibaatooyinka ay geystaan kooxda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Balcad oo shirkaan uga ka qeyb galay dowladda Soomaaliya ayaa madasha ka sheegay doorka dowladda Soomaaliya ku leedahay la dagaalanka kooxda Daacish.

"Sharaf ayey ii tahay inaan ka soo qaybgalo Shirkii Wasiirrada ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Lagaga Adkaanayo ISIS. Xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo burburiyo ISIS iyo hoos u dhigista saameynteeda waa arrin muhiim ah oo khatar ku ah amniga caalamka iyo gaar ahaan Soomaaliya" ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiiradda isbahaysigaan 87 dal ka kooban ayaa go’aan ku gaaray in la sii xoojiyo howlaha caalamiga ah ee ka hortagga waxa loogu yeero argagixisada.

Shirkaan ay yeesheen dalalkaan ku midoobay la dagaalanka Daacish ayaa imaanaya, iyadoo haatan la wiiqay inta badan awoodii kooxda Daacish ku laheyd dalal badan oo ka tirsan caalamka.