10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 1 , 2024
Puntland oo isku diyaarinaysa inay duullaan ku qaado kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari
 

Talaado, October, 1, 2024 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya howlgallo culus oo looga hortagayo kooxda Daacish, oo si xawli ah isugu ballaarinaysa deegaanada gobolka Bari.

War rasmi ah oo laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, uu ku wajahan yahay magaalada Boosaaso si uu u diyaariyo hawlgalka ka dhanka ah Daacish.

Madaxweyne Deni ayaa si weyn uga walaacsan warbixinnada sii kordhaya ee ku aaddan khatarta Daacish, iyadoo sirdoonka Maraykanka uu muujinayo in dagaalamayaal ajaanib ah oo kasoo cararaya bariga dhexe ay dhulka buuralayda gobolka Bari ku sugan yihiin, si ay u helaan gabbaad.

kooxda Daacish ayaa dhibaato ku haysa ganacsiyada magaalada Boosaaso, iyagoo canshuur culus ku soo rogay xarumaha ganacsiga. Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ganacsatada diiday awaamiirta Daacish ay la kulmeen weeraro.

Warkaan ayaa kusoo aaday, iyadoo Mareykanka, uu ka digay in Daacish/ISIS ay ka faa’ideysan karto iska horimaadyada caalamiga ah si ay u xoojiyaan saameyntooda, wuxuuna ku boorriyay waddamada saaxiibka la ah inay xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan ammaanka iyo xasilloonida gobolka.