1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2024
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya " Waxaan indhaha ku haynaa Doorashada Somaliland"
 

Sabti, November, 9, 2024 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney taageereyso hanaanka Doorashooyinka qof iyo codka ee ka dhacaya deegaannada Somaliland dhawaan.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha XFS ayaa waxaa lagu yiri "Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo aqoonsanaysa doorka muhiimka ah ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyadoo xoojinaysa muuqaalka doorashada Soomaaliya, waxay si dhow ula socotaa doorashada soo socota ee gobolka waqooyi ee Somaliland".

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa soo hadal qaaday in hirgalintii Doorashada Qof iyo Cod ee ka dhacday Puntland ay hoosta ka xariiqeyso shacabka Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay doorasho xor iyo xalaal ah, iyo sidoo kale xaqa ay u leeyihiin inay doortaan wakiilada heer kasta oo Dowladeed.

Dhawaan ayey aheyd markii Somaliland ay ku eedeysay Dowladda Soomaaliya iney carqaladeyneyso amaanka Doorashooyinka Somaliland iyadoo haatan Wasaaradda Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay iney taageereyso Doorashooyinka kadhacaya Somaliland.

13-ka Bishaan November ayaa lagu wadaa in doorashooyinka guud ee Xisbiyada iyo tan madaxweynahaba inay ka qabsoomaan degaanada Somaliland waxaana la filaaya inay si weyn ugu loolami doonaan xisbiyadda Ucid, Kulmiye iyo Wadani oo ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Muuse Biixi, Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.