12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2024
Donald Trump oo sii adkeeyay go'aankiisii ahaa inuu Maraykanka ka musaafurinayo dadka sharci la'aanta ku jooga
 

Jimco, November, 8, 2024 (HOL) - Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa labo jibbaaray ballaqaadkiisii ololaha doorashada ee ahaa musaafurinta dadka muhaajiriinta ah ee sharci la’aanta ku jooga dalka Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay qarashka ku baxaya arrintaas inuusan noqon doonin mid hor istaaga. Qaar kamid ah hadaladiisii uu ka jeediyo goob fagaare ah tan iyo markii la doortay, ayuu Trump ku sheegay markuu Janaayo xilka la wareego inuu xadka ka dhigidoono mid awood leh.

Doorashada Trump ayaa haatan welwel weyn ku haysa dadka sharci la’aanta ku jooga dalka Maraykanka, oo ay Soomaalidu qeyb weyn ka yihiin.

Soomali badan oo gaaraya kumanaan ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku qulqulayay dalka Maraykanka iyagoo ka gudbayay xadka waddanka Mexico.

Aamiin Haaruun oo ah garyaqaan Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa sheegay dadka uu Donald Trumo tarxiilo karo inay yihiin dadka dhowaan soo galay iyo kuwa aan sharciga haysan.

Garayqaanku wuxuu sheegay madaxweyne Trump inuu awood sharci u leeyahay inuu amar ku bixiyo in la tarxiilo dadka sharci la’aanta ku jooga dalka Maraykanka.

Hase ahaatee wuxuu sheegay in maxkamadaha Federaalka ay hor istaagi karaan ama laali karaan go’aanka Trump haddii aysan waafaqsanayn sharciga.

Haaruun wuxuu ugu baaqay Soomaalida sharci la’aanta ku jooga dalka Maraykanka inay la tashadaan qareen. Wuxuu si gaar ah ugula taliyay dadka dhawaan soo galay dalka Maraykanka inay xaraystaan sharciga magangalyo doonka.