Hiiraan Online
11/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2024
Puntland oo si kulul uga hadashay dib usoo celinta Soomaalida Germany
Khamiis, November, 7, 2024 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu ku eedeeyay inuu aqbalay in Soomaalida laga masaafuriyo dalka Jarmalka.
Mr Ceydiid ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee tallaabo noocani oo kale ah ku dhaqaaqa.
Wasiir Ceydiid Dirir waxa uu yiri: “Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka shaqeenayo waa in dadka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah laga saaro guryahoodii oo kaliya in laga dudumiyo guryahan si loo helo dhul ay dad gaar ah ka macaashi doonaan in dadka magan-gelyo-doonka ah ee Yurub jooga dib loogu celiyo Soomaaliya".
Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa imaanaya iyadoo 24kii saac ee laasoo dhaafay hadal hayn badan ay dhalisay war lagu daabacay mid kamid ah jaraa'idyada ugu afka dheer ee Germany kaas oo wareysi uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu aqbalay in 65k oo qaxooti Soomaali dalka dib loogu sooceliyo.
Soomaali badan oo qaxooti ku ah dalka Germany ayaa waxaa lasoo daristay cabsi ku aadan in dalkoodi dib loogu soocelinaayo kuwaasi oo siyaabo kala duwan ku galay wadankaasi waxaana u badan dhalinyaro naftooda ku biimeeyay biyaha caalamiga ah iyo kuwa kharashaad fara badan ay uga baxday inay dalkaasi tagaan.