12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2024
Musharax Cirro oo Ka Hadlay Mawqifkiisa ku Aadan Heshiiska Itoobiya iyo Colaada Sool
 

Isniin, November, 4, 2024 (HOL) - Musharaxa Xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu sii wadi doono heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, sidookale, uu colaada gobolka Sool wadahadal ku dhamayn doono.

Cirro oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in uu wadahadal ka gali doono colaada ka aloosan gobolka Sool, waxa uu sheegay in dadka Somaliland iyo dadka reer Laascaanood ay yihiin dad walalo ah waxkasta oo dhexmarana ay tahay in wadahadal lagu xaliyo.

Musharaxa oo wax laga waydiiyay mawqifkiisa ku aadan is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegay in anay ka xisbi ahaan heshiiska arag, ayna soo jeedinayaan in golayaasha baarlamaanka la horkeeno, wuxuuna sheegay in heshiiska uu sii wadi doono hadii uu madaxweyne noqdo.

"Waxaanu tilmaanay in waxkasta oo Somaliland usoo kordhaya aanu waafaqsanahay, xukuumadu heshiis way gali kartaa, lakiin xeerarkeenu waxay tilmaamayaan in la keeno baarlamaanka heshiis kasta oo ay xukuumadu gashay, anagu wixii heshiis ah ee Somaliland ku jirtay waanu sii wadaynaa" ayuu yidhi Cirro.

Cirro sidookale waxa uu sheegay in uu dhisi doono Somaliland iyaduna heshiis ah dunidana heshiis la ah hadii uu guulaysto, isaga oo xusay in uu muddo dheer ahaa dibulumaasi, isla markaana uu xoojin doono xidhiidhka Somaliland iyo waddamada muhiim ka ah sida Itoobiya, Kenya, Ingiriiska iyo Maraykanka.

Ugu danbayn, waxa uu sheegay in uu koomiishanka doorashooyinka u saxeexay in uu aqbalo go'aankasta oo ay kasoo saaraan doorashada, sida darteedna uu aqbali doono hadii uu guuldaraysto, mardanbena aanu tartami doonin.