12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2024
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda Dowladda ee 2025
 

Isniin, November, 4, 2024 (HOL) - Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay miisaaniyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya.

Kooramka fadhiga wadajirka ee labada aqal ee Baarlamanka ayaa saakay ku furmay 175 Mudane, 143 oo kamid ah Xildhibaanada Golaha shacabka iyo 32 oo Senatarada Aqalka sare ah, waxaana laguda galay qeybinta Ajendadaha maanta oo ahaa ansixinta miisaaniyadda Dowladda.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BFS Marwa Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo maanta shir Gudoomisay fadhiga Baarlamaanka ayaa ku dhaawaqday Natiijada codka gacan taaga ahaa ee ay mudanayaasha maanta xaadiray Baarlamaanka ay u sameeyeen ansixinta miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025.

Marwa Sacdiya ayaa tiri “ Kooramka guud waxa uu ahaa 175, 172 ogol, 2 diidmo 1 mudanana waa ka aamuusay” sidaas ayaana miisaaniyadda Dowladda lagu meel mariyay.

Ansixinta Miisaaniyadda Xukuumadda FS ay maanta sida aqlabiyada leh u ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay marsiiyeen akhrin 3 heer ah waxaana soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Miisanaaniyadda cusub ee maanta Baarlamaanka ay meel mariyeen ee Dowladda sanadka 2025 ayaa dhan Hal bilyan, saddex boqol & sagaal iyo konton milyan, toddoba boqol & afar iyo toban kun, saddex boqol & siddeed iyo labaatan Doolar [$1,359,714,328].

Ugu danbeyn Wasiirka Maaliyadda ee XFS Biixi Iman Cige ayaa mudanayaasha uga mahadceliyay go’aanka maanta ay ku meel mariyeen miisaaniyadda Dowladda 2025.