12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2024
Cabdi Nageeye oo ku guuleystay tartanka Orodka Ragga ee New York Marathon
 

Isniin, November, 4, 2024 (HOL) - Cabdi Nageeye oo ah Orodyahan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya haatan matela dalka Netherlands ayaa ku guuleystay tartanka Orodka Ragga New York Marathon oo ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Nageeye ayaa sameeyey Orod xawaare sare ah oo uu kaga horeeyay guulaystihii sanadkii 2022 Evans Chebet, wuxuuna Nageeye xiritaanka tartanka ka gudbay xariiqda 2:07.39, isagoona lix ilbiriqsi ka dheereeyay Evans Chebet oo u dhashay dalka Kenya.

Cabdi Nageeye ayaa tartankaan horey ugu soo muuqday marar kala duwan kaalmaha kala ah 5-aad, 4-aad iyo 3-aad, hayeeshee sanadkaan 2024 ayuu noqday guuleystaha galay kaalinta koowaad.

Orodyahanka haysta dhalashada dalka Netherlands Cabdi Nageeye ayaa ku dhashay Magaalada Muqdisho 2-dii Maarso sanadkii 1989-kii waxuuna ka mid noqday Soomaalidii firxadka ku gashay dalka Netherlands ee qaxooti ahaanta loo qaabilay, halkaas ayuuna kula soo baxay hibadiisa Orodka isago sanadkii 2020-kii tartan Orod oo ka dhacay magaalada Tokyo ku guuleystay biladda Qallinka ah.

Ugu dambeyntii Cabdi Nageeye ayaa ka mid ah dhallinyaro badan oo Soomaali ah, kuwaas oo matala dalal kala duwan oo dhaca Qaaradaha Yurub iyo Ameerika, waxaana orodyahanadaas ka mid ah Mo Farah oo matala dalka Ingiriiska, kaasoo marar kala duwan guulo waa weyn ka gaaray tartanada Orodka Aduunka.