12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2024
WFP oo hakisay hawlgaladeedii deegaanada SSC-Khaatumo sababo la xidhiidha bililiqo loo geystay raashinkeeda gargaarka
 

Sabti, November, 30, 2024 (HOL) - Hay'adda WFP ayaa shaaciyey in ay si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan hawlihii ay ka waday SSC-Khaatumo sababo la xiriira amniga iyo bililiqo lagu saameeyey qaybinta gargaarka bini’aadantinimo ee deegaankaas.

Qoraal rasmi ah oo uu soo saaray Agaasimaha WFP ee Soomaaliya, El-Khidir Daluum, ayaa lagu sheegay in barnaamijyada WFP ee SSC ay taageero siin jirtay ku dhawaad 8,655 qoys oo ay ku jiraan carruur nafaqo-xumo hayso, hooyooyin uur leh iyo kuwa nuujinaya, iyo dad kale oo nugul. Gargaarkan ayay hay’addu usii marin jirtay  saddex hay’adood oo NGO ah: GHADO, NRC, iyo ALIGHT, kuwaas oo ka hawlgala degmooyinka Laascaanood, Taleex, iyo Buuhoodle.

Dhacdooyinka soo noq-noqday ee bililiqada ah ayaa sababay hakinta gargaarka. WFP ayaa shaacisay in 24-kii iyo 27-kii November laga bililiqeystay ugu yaraan 95 tan oo cunto gargaar ah oo loo waday dadka deegaanka Buuhoodle.

"WFP waxay qaadatay go’aan adag oo ah inay joojiso hawlaha ilaa laga helo jawi ammaan ah oo u oggolaanaya in gargaar bini’aadantinimadu si habsami leh u fuliyaan," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhacdadan ayaa qeyb ka ah caqabadaha hay’adaha gargaarka ay kala kulmaan meelaha colaadaha iyo nuglaanta ay saameeyeen, iyadoo hay'addu ay sheegtay in loo baahan yahay iskaashi iyo dadaal dheeraad ah si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul ee ku nool SSC.