12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2024
Jubaland oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeysay in Ciidamo hab beel u abaabulan ay geeysay Raas-Kaambooni
 

Isniin, November, 25, 2024 (HOL) - Wasaaradda amniga gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubaland waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeysay in muddooyinkii dambe ay ku mashquulsaneyd sidii loo burburin lahaa hanaanka federaaliga ee dalka, waxaana wasaaradda war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in maalmahan ay Dowladda Federaalka ka waday deegaanada Jubaland howlo lagu carqaladeynayo amniga oo lagu abuurayo xasillooni-darro siyaasadeed.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuldareeysatay in maalmihii lasoo dhaafay ay saraakiil ciidan ka dejiso meel ka mid ah gobolka Gedo.

Wasaaradda amniga gudaha ee Jubaland ayaa si kulul waxa ay war saxaafadeedkeedi kaga hadashay tallaabadii ay maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ku geeysay magaalada  Raas-Kaambooni oo ay Wasaaraddu ku tilmaamtay mid sharci-darro, waxaana wasaaradu ay xustay in magaalada ay isku hor fadhiyaan ciidamadii Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubaland.

War saxaafadeedkaan ayaa lagu uruuriyay dhowr qodob oo eedeeyn culus ah oo dusha looga tuuray Dowladda Federaalka waxaana kamid ah sida lagu yiri warka in:-

1. Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in ciidan hab-beeleed u abaabulan oo ay DFS kasoo daabushay magaalada Muqdisho si sharci-darro ah looga dejiyay magaalada Raas-Kaambooni.

2. Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in aysan jirin ciidan ATMIS ah oo ka baxay deegaanka Raas- Kambooni oo ay bedelayaan ciidamadaasi maanta la geeyey.

3. Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in dhammaan deegaanadii ay ciidamada ATMIS ka baxeen, sida Buur Gaabo, Kudhaa, Cabadala Biroole, Ceel-waaq, ivo qeybo ka mid ah Kismaayo, ay gacanta ku hayaan ciidamada qalabka sida ee Dawladda Jubaland.

4. Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in aysan jirin wax codsi ah oo ay u dirtay DFS oo ku saabsan in ciidamo dheeraad ah la keeno Jubaland, maadaama ciidamadii horey loo keenay aysan gudan waajibaadkoodii, islamarkaana ay baneeyeen furimihii difaaca ee lagu ogaa.

5. Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in ciidamada sharci-darrada ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku soo daad-gureyneyso deegaanada Jubaland looga dan leeyahay in lagu abuuro xasillooni- darro iyo khalkhal amni oo ka dhan ah Jubaland.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR SAXAAFADEED.